daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, oo ka hadlaayay ammaanka caasimada Muqdisho ayaa sheegay in wax la qaadan karo aysan aheyn mar waliba inay baxsadaan ragga ka dambeeya dilalka qorsheysan ee caasimada ka dhaca.
Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxa uu sheegay maalin kasta inay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo shacabka Somaliyed dhiigooda lagu daadiyo, taasi oo ay jirto ayuu sheegay inay mar waliba baxsadaan xubnaha ka dambeeyay amnidarada.
Waxa uu tilmaamay Guddoomiye Madaale inay socdaan qorshooyin la doonaayo in lagu xaqiijiyo ammaanka caasimada Muqdisho.
“Runtii waa arin u baahan masuuliyadaasi waa inay cid yeelato, wada shaqeyn marka ay timaado waxaa imaanaysaa isla xisaabtan oo la isugula xisaabtamo wixii dhacay, Guddoomiyaha Degmada, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida marka ay wada shaqeeyaan waxaa imaanaysa isfahan amni cidii gaabisa markaasi waa lagula xisaabtamaa, shacabka Somaliyed dhiigiisa in la daadiyo oo maalin waliba la dhaho waa uu baxsaday ninkii dilay wax la qaadan karo ma’ahan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEj1ycuq47mBov8vA-yzmgLzl7-HaxlUIWesivOEGTLXI7zSX9qR6uKuUbBj45xWldCh7_zqjM6jsaj_eNpIB7v3gaLeN9mWtbZ66XkFw89NgmSuBde4SFKngoGX6-eWZR9KM24ZmCRIhgIr/s1600/yusuf-madaale-21.jpg)
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEj1ycuq47mBov8vA-yzmgLzl7-HaxlUIWesivOEGTLXI7zSX9qR6uKuUbBj45xWldCh7_zqjM6jsaj_eNpIB7v3gaLeN9mWtbZ66XkFw89NgmSuBde4SFKngoGX6-eWZR9KM24ZmCRIhgIr/s1600/yusuf-madaale-21.jpg)
Shalay Muqdisho waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Millateriga Somaliya, kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ayaa ka baxsaday goobta, waana sida inta badan ka dhacda Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:54 and have
, Published at