Fiiri:- Maxaa kaga baxay is araga Axmed Madoobe & Barre Hiiraale ee Muqdisho

Fiiri:- Maxaa kaga baxay is araga Axmed Madoobe & Barre Hiiraale ee Muqdisho

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan ay magaalada Muqdisho kuwada yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Col. Barre Aadan Shire ”Barre Hiiraale”.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid ku saleysnaa booqasho, waxaana la soo sheegayaa in booqashada Axmed Madoobe ay barbar soctay wada xaajood aan wakhti badan qaadan taasi oo uu la qaadat Barre Hiiraale.

Kulanka labada mas’uul ayaa la xiriiray arimaha dib u heshiisiinta, inkastoo Col. Barre Hiiraale uu Axmed Madoobe ka dalbaday in kulan kale ay isku arkaan ka hor inta uusan magaalada Muqdisho ka safrin.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socday dadaalo lagu heshiisiinayo Beelaha halkaasi wada dega.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in Heshiis gaar ah uu ka dhex abuuro Beesha mareexaan iyo maamulka Jubbaland oo mudooyinkaani danbe ahaa mid xaaladoodu tahay aloo sahal.

Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale ayaa wada qaadan doono kulan gaar ah waxaana lagu wadaa inay kawada hadli doonaan sida lagu sii ambaqaadi lahaa wadaxaa-joodka Beesha mareexaan iyo maamulka Jubbaland.

Arrintaani ayaa muujineysa in Axmed Madoobe uu ka maarmi waayay in xalka Kismaayo uu yahya mid qeyb ka ah heshiis lala galo Barre Hiiraale oo miisaan culus ku dhex leh Siyaasada Somalia gaar ahaan tan Kismaayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada