Gaas & Guuleed oo maanta socod ku maraya Gaalkacyo iyo ciidamada oo lakala qaadayo

Gaas & Guuleed oo maanta socod ku maraya Gaalkacyo iyo ciidamada oo lakala qaadayo

daajis.com:- Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo shalay kulankii 3aad ku yeeshay garoonka diyaaradaha ayaa balan qaaday inay dhaqan gelin doonaan heshiiska, isla markaana ka dhabeyn doonaan balan-qaadkoodii ahaa in colaada la joojiyo.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Jubbaland, Odayaal, waxgarad iyo culumaa’udiin ayaa la isku waafaqay in la sii wado dadaalada, isla markaana laga shaqeeyo nabad, waxaana labada dhinac ay la kala hadleen taliyeyaasha ciidamada, isla markaana fareen in xabad joojinta la dhaqan geliyo.


Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in Madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Jubbaland iyo guddiyada waan waanta ayaa waxay socdaal nabadeed ku marayaan waqooyiga iyo koofurta magaalada iyo goobihii lagu dagaalamay, si kalsooni nabadgelyo loogu muujiyo shacabkii ka qaxay magaalada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa tagi doona dhinaca koofureed ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Galmudug, sidoo kale labada dhinac ayaa kulan kale isla maanta ku yeelan doona dhinaca waqooyi ee magaalada, kaasoo xoojin u ah heshiiska nabadeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada