Heshiis laga gaaray is bedelka Cimilada Caalamka

Heshiis laga gaaray is bedelka Cimilada Caalamka

daajis.com:- In ka badan 200 oo dal oo labadii todobaad ee la soo dhaafay shir uga socday magaalada Paris ayaa isku raacay heshiis laga gaaray isbedelka cimilada adduunka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Laurent Fabius ayaa ku dhawaaqay heshiiska, kadib maalmo lagu muransanaa qodobada qaar iyo sida loo meel marinayo.

Heshiiskan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in la yareeyo heer kulka cimilada adduunka, waxaana si gaar ah u meel marin doona dowladaha ku horumaray warshadaha.

Sidoo kale waxaa laga doonayaa wadamada warshadaha inay yareeyaan qiiqa hawada waseeya, iyadoo tallaabadan hadii la dhaqan geliyo ay ugu yaraan wax ka bedeli karto hawada wasaqeysa.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa soo dhoweeyay heshiiska dalkiisa lagu gaaray, waxaana uu u mahad celiyay wafuudii ka qeyb gashay shirka ee isku raacay inay gaaraan heshiis rasmi ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhankooda taageeray heshiiskaas, isagoo ku tilmaamay fursada ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo cimilada is bedeleysa.
Dalalka soo koraya ayaa saameynta ugu badan ku yeelanayay is bedelka cimilada, waxaana dal walba oo ku horumaray warshadaha uu dhankiisa ka eegayay danihiisa gaarka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada