Howlgakii ay Ciidamada Nabad Sugidda ka Fuliyeen Degmada Afgooye (VIDEO)

Howlgakii ay Ciidamada Nabad Sugidda ka Fuliyeen Degmada Afgooye (VIDEO)

daajis.com:- Howlgal ay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen Degmada Afgooye, ayaa waxay gudaha u galeen guri ku yaala Degmadaasi, gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako, waxayna ku soo qabteen saddex qof iyo alaabo laga suubiyo walxaha qarxa.

Raggan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay oo xalay Ciidanka ka fuliyeen xaafadda Xaawo Taako, ka dib markii la helay macluumaad la xiriira guryahaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xuseen Maxamed (Shiine), ayaa sheegay raggaasi in si dhow loola xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, sidoo kalana ay qorsheynayeen weeraro lagu qalqal-gelinaayo amniga Degmada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada