Iiraan oo beenisay ineey Soomaaliya ka wado faafinta Mad’habka Shiiciga

Iiraan oo beenisay ineey Soomaaliya ka wado faafinta Mad’habka Shiiciga

daajis.com:- Dowladda Iiraan ayaa beenisay wararka la xiriira in Magaalada Muqdisho ay ka wado faafinta Mad-habta Shiicada, xilli Sabtidii la soo dhaafay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ay soo bandhigtay labo ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo lagu eedeeyay inay ka shaqeynaayay faafinta Shiicada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iiraan, Xuseen Jaabir Ansaari  oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax arimo Shiico ku saabsan oo Safaarada Iiran ee Magaalada Muqdisho ay wado.

Waxa uu sheegay Dowladda Somaliya inay ka dalbadeen cadeynta sababta loo xiray Labo Muwaadin oo dalka Iiran u dhashay, kuwaasi oo lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Xuseen Jaabir Ansaari, ayaa sheegay inay jirto Isfahan, balse ay rajeynayaan inay xaliyaan arimahaasi si Isfahan waaga uu meesha uga baxo.
Culimadda Somaliyed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda Iiran inay ka wado Magaalada Muqdisho faafinta Mad-habka Shiicada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada