Jaaliyada Soomaalida USA oo teegeero u muujiyay Hillary Clinton

Jaaliyada Soomaalida USA oo teegeero u muujiyay Hillary Clinton

daajis.com:- Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxtinimadda Maraykanka, Hillary Rodham Clinton ayaa soo bandhigtay Qorshaha ay ku xoojin doonto Difaaca Qaranka ee lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Hillary Rodham Clinton oo uu Saygeeda Bill Clinton mar  Madaxweyne ka noqday dalka Maraykanka ayaa hadalkaasi ka sheegtay Gobalka Minnesota ah oo ay ku nool yihiin Jaalliyadda ugu badan Soomaalida ku nool Maraykanka.

Hillary Rodham Clinton waxay kaloo ka hadashay Ammaanka Gudaha Maraykanka, iyadoo sheegtay in laga hortegi doono weerarada Argagixisadda ee la midka ah weeraradii ka dhacay magaalladda Paris iyo Koonfurta Gobalka Kalifornia.


Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka waxay soo dhaweeyeen Qorshaha Hillarty Clinton, waxayna rajeynayaan inay si taxadir leh uga fiirsato hadalkeeda.

Afhayeenka Jaalliyadda Soomalida Maraykanka, Jibril Afyare waxa uu ugu baaqay Hillary Clinton inay jeediso Fariin ku aadan Midnimadda, kuna diidayso dhibaato abuurka lagu faquuqayo Muslimiinta.

Waxa uu si gaar u dhaliilay Khudbadii Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, kaasi oo sheegay inaan Muslimiinta loo oggolaanin inay soo galaan Maraykanka, wuxuuna Afyare sheegay in Maraykanka lagu soo dhaweynayo Muhaajiriinta Qaxootiga ah.

Sidoo kale, Jibril Afyare waxa uu sheegay inay mudnaanta koowaad siinayaan sidii looga horetegi lahaa ama loo  faragelin lahaa Dhallinyarradda lagu tashkiilinayo inay ku biiraan Daacish.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, in ka badan 22 dhallinyarro Somali ah ayaa ka soo dhooftay Gobalka Minnesota, kuwaasi oo biiray Xarakadda Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada