daajis.com:- Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka hadlay hanaanka looga gudbayo sanadka 2016 oo la qorsheynayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan.
Jibriil Ibraahim Cabdulle oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in illaa shan magaalo oo ka mid ah Soomaaliya loo qorsheeyay inay ka dhacaan kulamo wada tashi oo looga hadlayo afar qodob oo looga hadlayo qaababka ugu haboon ee doorasho uga dhici karta Soomaaliya.
“Xaqiiqdii labo cisho oo saacadood ah marka la isku darana lix saacadood ahna ma ahan wax fiican in mustaqbalka Soomaaliya lagu soo koobo, hadana markaa dowladda la hadasho waxay dhaheen waqtiga aad noogu liito, sanadka sii dhamaanaya waqti badan aan ku sameyn karno, waxaa is leeyahay wixii ugu fiican ee la sameyn karo ayay noqotay dadkii in lala tashato”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at