Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo magacyada 11-ruux oo weeraro qorsheynaya

Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo magacyada 11-ruux oo weeraro qorsheynaya

daajis.com:-  Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doon doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, ayna maleegayaan weeraro argagixiso.

Dadkan ayay laamaha ammaanka dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo qatar u ah, waxaana la sheegay inay horay uga qeyb qaateen weerarkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganayay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggan ay qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka cusub.

Dadka reer Kenya ayaa loogu baaqay in Hey’adaha amaanka Kenya ku wargeliyaan raggan, hadii ay hayaan macluumaadkooda ama ay arkaan.

Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay waxaa lagu magacaabaa C/fataax Abuubakar Cabdi oo ah muwaadin u dhashay Soomaaliya, kaasoo horay looga soo musaafuriyay gobolka xeebta ee Kenya.

Ma ahan markii u horeysay ee Laamaha ammaanka Kenya ay soo bandhigaan dad la doon doonayo oo weeraro ka geysan raba gudaha dalkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada