daajis.com:- Waxaa magaalada Kismaayo ka jira qorshe lagu doonayo inuu magaaladaasi ku tago Barre Hiiraale si uu uga qeyb qaato shir muddo badan dib u dhacay oo lagu heshiisiinayo beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen.
Saraakiisha maamulka Axmed Madoobe ayaa isku khilaafay qaabka uu Barre Hiiraale ku joogayo magaalada, waxayna qaarkood soo jeediyeen in Barre aanu la hadli karin saxaafadda, kana bixi karin magaalada, halka qaar kale ay ku doodeen in xoriyad la siiyo.
kulanWelwelka beesha magaalada Kismaayo gacanta ku heysa iyo maamulka Axmed Madoobe ka qabaan Barre ayaa ku saabsan inuu saameyn ku yeesho saxaafadda iyo inuu magaalada Kismaayo ka baxo oo ku biiro ciidamada taageersan ee ku sugan Goobweyn, halkaasoo hore si dhib leh ay IGAD uga qaaday.
Waxaa kaloo soo kordhay muran ku saabsan shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado inuu Kismaayo ka dhaco oo siyaasiyiinta Beesha Mareexaan ee ka horjeeda maamulka Axmed Madobe ay ku sheegeen inuu yahay mid lagu heshiisiinayo beelaha Mareexaan iyo Kuumade ee aanay jirin khilaaf dhex yaala Beesha Sade.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:57 and have
, Published at