daajis.com:- Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay daraasad uu ka sameeyay gobolada Soomaaliya oo ku saabsan qaabka siyaasadda dalka iyo sida dadweynaha Soomaaliyeed u arkaan in lagu soo xuli karo Baarlamaanka soo socda ee sanadka 2016.
Natiijooyinka ay xambaarsan yahay Daraasadan ayaa lagu soo beegay iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka looga hadlayo qaabka doorashada 2016 loo qaban doono oo la isku maandhaafsan yahay.
Daraasadda HERITAGE ayaa muujisay maaddaama doorasho xor ah aanay dhaceynin, (51 boqolkiiba) waxa ay door bideen odayaasha dhaqanka ama waxgaradka beel kasta in ay soo xulaan baarlamaanka cusub, iyadoo 41% ay aaminsan yihiin in qaabka degmooyinka iyo gobollada lagu soo xulo baarlamaanka soo socda.
Daraasadda waxaa lagu wareystay dad gaaraya 1300 qof oo kala jooga Garowe, Galkacyo (south), Mogadishu, Baidoa, and Kismayo. Waxay kaloo dadkii la wareystay 60% ka horjeesteen muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta.
HALKAN KALA DEG WARBIXINTA OO DHANFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at