Madaxweynaha oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika (VIDEO)

Madaxweynaha oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha Ururka AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey, caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey dalka Soomaaliya.

Danjire Madeira oo isna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dlamini Zuma, waxaana uu balanqaaday inuu meesha ka sii wadi doono hawlaha muhiimka ah ee Ciidamada AMISOM ay ka hayaan dalka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada