daajis.com:- Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu waraysi meelo badan taabanayo siiyay Taleefishinka laga leeyahay dalka Shiinaha ee Africa CCTV.
Madaxweynaha ayaa waraysigani uga hadlay heerka uu marayo dib u dhiska lagu wado Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo goorta ay dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay isku filnaandoonto, kana maarmi doonta ku tiirsanaanta ciidamada Midowga Africa ee Amisom.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Ciidamada Maamulada dalka ka jira ay hoostegi doonaan Ciidanka Qaranka oo Hadda Dhismihuusu uu ka socdo Goboladda dalka oo dhan, mana jiri doono buuyiri Maamul gooni u yeelan doono ciidan Militeri ah.
Su’ aashii ugu danbeysay ee la waydiiyay madaxweynaha ayaa ahayd, Goorma ayay ciidamada Amisom ka bixi doonaan dalka Soomaaliy?.
Madaxweynha ayaa yiri:- Ciidamada Amisom waligood ma sii joogi doonaan dalkani oo waxa ay dalkani u joogaan sidii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen inay mar labaad cagaheeda ugu istaagto, markii taa la gaarana ay dalkani isaga bixi doonaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at