Malala Yousafzai oo markii ugu horeysay ka hadashay ficiltanka lagu hayo Muslimiinta adduunka

Malala Yousafzai oo markii ugu horeysay ka hadashay ficiltanka lagu hayo Muslimiinta adduunka

daajis.com:- Malala Yousafzai oo ah 18 sano jir u dhalatay dalka Pakistan, ayaa waxay si xoogan ay kaga hortimid in Muslimiinta oo dhan lagu sifeeyo kuwo argagaxiso ah.

Waxay cambaareysay hadalkii ka soo yeeray Donald Trump oo ka mid ah xubnaha Xisbiga Jamhuuriga, ee xusul-duubka ugu jira inay u tartamaan xilka madaxtinimada Mareykanka.

Siyaasigan, ayaa toddobaadkii hore sheegay, haddii uu noqdo Madaxweynaha Mareykanka in Muslimiinta oo idil, uu ka mamnuucaayo dalka Mareykanka, iyadoo uu markaasi xil iska saaraayo ammaanka shacabkiisa, sida uu yiri.
Malala Yousafzai, ayaa waxay ku celcelisay in Muslimiinta oo dhan aan loo arki karin kuwo argagaxiso ah, taasoo hadhow keeni karta in dad badani ay ku biiraan ururada xagjiriinta ah, xaaladana ay kaga sii dari doonto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada