Mid kamid ah Hooyooyinka Gabdhaha Soomaaliyeed ee UK lagu la’yahay oo sheegtay…

Mid kamid ah Hooyooyinka Gabdhaha Soomaaliyeed ee UK lagu la’yahay oo sheegtay…

daajis.com:- Hooyadaasi oo lagu magacaabo Layla Saalax oo ku nool Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London ayaa u sheegtay Wargeyska The Daily Mail ku sheegtay inaysan filaynin inay gabdhahaasi u dhoofeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

“Kama baqanayo in gabdhaha Xag-jir noqdeen, ma aysan  qaadanin Baasabooradooda, waxaana rajeynayaa inay si ugu dhaqsaha badan ku soo laaban doonaan” ayey tiri Hooyo Layla.

Saddexda gabdhood ee la la’ yahay ayaa lagu kala magacaabaa: Cabir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Salaax oo 15-jir ah iyo  Fardowsa Xasan oo 13-jir ah.

Boliska Britain waxay tilmaameen in Cabir Salaax iyo Fardowsa Xasan la waayey bishan December 6-dii, halka Axlaam Saalax iyadana la waayey bishan December 12-dii.
Sidoo kale, Boliska ayaa rumeysan inaysan gabdhahaasi ka dhoofeen Britain, balse laga yaabo inay dhex seexdaan Basaska ama goobaha kale ee gaadiidkalaga raaco.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada