Muuqaal: Farmaajo oo isku diyaariyana Tartanka & Qabashada Madaxwaynaha Soomaliya iyo kulan balaadhan (Daawo)

Muuqaal: Farmaajo oo isku diyaariyana Tartanka & Qabashada Madaxwaynaha Soomaliya iyo kulan balaadhan (Daawo)

daajis.com:- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, ahna gudoomiyaha Xisbiga Tayo, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Farmaajo ayaa jaaliyadda Houston kala qayb-galay qorshe lagu taageerayo Xisbiga Tayo, iyadoo goobtaas ay goobjoog ahaayeen in ka badan 1,000 oo si weyn u buux-dhaafiyay madasha ay xafladdu ka dhacday; iyadoo dadka barnaamijkan kasoo qaybgalay ay isugu jireen; culummo, waxgarad, arday, haweenka, dhallinyarada,iyo weliba macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha gobolka Taxes.

Guddoomiyaha xisbiga Tayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu doonayo bulsho wada-siman; kuwaasoo hela maamul-wanaag ku salaysan dowlad cadaalad ah oo dhawrta xaqa shacabka “Ruux xun isma qariyo… wuxuuna qofkaas noqdaa mid fashilma oo aan aamin ahayn ama qof Alle saacida oo Alle magac u samaynaya oo ummadda xushmad ka hela. Wuxuuna qofkaasi leeyahay astaamahan; kow waa qof ammaanada ku fiican oo inta gaaban oo uu shaqada hayo si wanaagsan u gudanaya, Laba, waa qof cadaalad ku dhaqa dadka uu maamulayo, naxariisna u muujiya shacabkiisa,”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada