daajis.com:- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa sheegay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka laga hakiyay mushaaraadkii ay lahaayeen sababo shirka baarlamaanka oo aysan soo xaadirin, halka kuwa kale uu guddoomiyaha ku sheegay in lagu soo rogay ganaax lacageed.
Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa shirkadda Universal uga mahadceliyay qashinka ay ka qaaday xaruntii hore ee baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in baarlamaanka uu xaruntiisa nadiifsanayo, waxaana uu ka digay in xarumaha baarlamaanku leeyahay lagu deg dego bixintood, Wuxuuna meesha ka saaray heshiiskii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kula galay Milkiilaha Universal in dhismahi hore ee Baarlamaanka ay nadiifiyaan, kadibna ay dayactiraan.
Mudanayaasha ayaa sidoo kale guda galay dhageysiga sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasi oo uu mudanayaasha u akhriyay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at