daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.
Kulamadaan la-tashiyada ah ee uu sida gaar gaarka ah madaxweynuhu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaanada ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiran, Siyasiyiinta iyo bulshadda rayidka oo bilaawday saaka aroortii ayaa wali socda, iyadoo ay guulo ku soo dhamaadeen kulamada dhacay.
La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda Jowhar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at