Muuqaal: Wiil Soomaali Maraykan ah oo kufsaday Gabadh Cadaan ah, Isagoo ku Qaylinaya Allahu Akbar & waxa dhacay

Muuqaal: Wiil Soomaali Maraykan ah oo kufsaday Gabadh Cadaan ah, Isagoo ku Qaylinaya Allahu Akbar & waxa dhacay

daajis.com:-Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali oo 35 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu xarun Shidaale ah oo ku taala magaalada Mapleton ee gobolkaas North Dakota ee dalkaas Mareykanka uu goor hore oo aroor ah uu soo xaadirey ka dibna uu gabar ka shaqeynaysay halkaas uu si xoog ah ugu ka xeystey musqasha asagoona halkaas ku kufsaday gabadhaas islamarkaana jirdil ugu geystay gabadhaas.


Ninkaas ayaa waxaa uu ku dhawaaqaayey oo uu ku qeylinaayey ereyga ah ALAHU AKBAR intii uu kufsanaayey gabadhaas asagoo sidoo kalena sheegaayey inay gabadhaasi ay tahay xaaskiisa.

Ugu dambeyntiina iyadoo falkaas foosha xun ee uu ninkaas sameeyey ay yaab ku noqtey Soomaalida ku nool magaaladaas ayaa gabar la dhalatey ninkaas oo lagu magacaabo Asli Cali waxay sheegtay inuu walaalkeed uu yahay qof xanuunsan maskaxiyan oo aanu ahayn qof xun horeyna aan loogu arkin arimaha noocaan oo kale ah.
Ninkaan oo ay booliiska ka soo dhex qabteen mushqushaas asaga oo qaawan ka dib markii ay ku jabiyeen albaabka xili ay gabadhii uu xoogaayey ay dhulka u taalay ayaa waxaa laga yaabaa inuu xabsi dheer uu ku muteysto falkaas foosha xun iyadoona madaxiisa la dul dhigay lacag damiin ah oo gaareyso ilaa iyo 1 malyan oo doolar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada