Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay in uu ku lug lahaa Weerarkii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay San Bernardino

Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay in uu ku lug lahaa Weerarkii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay San Bernardino

daajis.com:- Muwaadin Soomaali Mareykan ah kana tirsan Kooxda Islaamiga Daacish ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa Weerarkii dadka badan lagu dilay ee dhawaan ka dhacay magaalladda San Bernardino ee Dalka Mareykanka .

Telefishinka FOX NEWS ee laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa baahiyay in Muwaadin Asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalasha dalka Mareykanka uu ku lug lahaa Weerarkii maalmo kahor ka dhacay magaaladda San Bernardino oo lagu dilay dad gaarayay 14-qofood.

Mohamed Hassan, oo asakiisu Soomaali yahay kana tirsan Kooxda Daacish ayaa la sheegay in uu xariir wanaagsan la lahaa lamaanayaashii dhawaan Weerarka ka fuliyay Dalka Mareykanka, waxaana baaris la sameeyay lagu ogaaday in uu jiro xariir dhax maray lamaanayaashaasi iyo Wiilkan Soomaalig ah.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa baaritaano ay sameeyay FBI-da Mareykanka lagu ogaaday in Kooxda Daacish uu ka yahay xubin muhiim ah oo u qaabilsan tashkiilinta dhalinyarada Jihaad doonka ah ee ku sugan Dalka Mareykanka.

Baaritaano dhawaan lagu sameeyay Guriga ay kunoolaayeen Lamaayaashdii Weerarka ka fuliyay magaaladda San Bernardino, ayaa lagu ogaaday in uu jiray xariir ka dhaxeeyay lamaanayaashaasi iyo Mohamed Hassan uuna fikir ku lahaa Weerarkii ay fuliyeen.

Mohamed Hassan, oo ah Wiil Dhalinyaro ah ayaa kasoo tagay Dalka Mareykanka sanadii 2007-dii xiligaa uu ku biiray Dagaalyahanada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, waxa uuna xiligaa kadib ku biiray kooxda Daacish uu hada katirsan yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada