daajis.com:- Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa ka hadlay qorshooyinka DFS horyaala loona baahan yahay in la fuliyo ka hor inta dalka uusan ka dhicin doorasho.
Odawaa ayaa sheegay in qorshaha ugu horeeya uu noqon doono xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ay geynayaan ciidamo si gaar ah loo xanaaneeyay waxa uuna ciidamadaasi ku sifeeyay inay yihiin kuwo ku quwad ah dowladaha horeeya.
Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho iyo Gobolada jaarka la ah ay ka dhici doonaan Howlgalo aan horay loo arag waxa uuna Howlgaladaasi ku micneeyay inay yihiin kuwo lagu sara qaadaayo amaanka dalka.

Xiliyada doorashooyinka iyo munaasabadaha ay ka jiraan dalka ayaa waxaa inta badan dhaca weeraro ay maleeshiyada Al-shabaab ku cabsi galineyso DFS iyo Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna haddalka Odawaa uu cabsi galinayaa maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa ka faa’iideysata Mashquulka Dowlada iyo ciidamada suga amaanka waxa ayna gudaha bishaani ku goodiyeen in Somalia aysan ka dhici doonin doorasho.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaan hadalka Odawaa wax u arag, waxaana suuragal ah in DFS ay ka dhabeyso hanjabaadeeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at