Odowaa Oo War Cajiib Ah Ka Yiri Maamulka Bakool Sare

Odowaa Oo War Cajiib Ah Ka Yiri Maamulka Bakool Sare

daajis.com:- Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in deegaanada laga sameeyay maamulka Bakool sare ay toos u hoos yimaadaan maamulka Koofur Galbeed.

C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maamulka laga dhisay magaalada Ceelbarde ay ka warqabaan dowlad ahaan, ayna ka shaqeyn doonaan sidii arimahaasi xal looga gaari lahaa.

Isaga oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in maamulka koofur galbeed ay kala shaqeyn doonaan sidii loo dhameyn lahaa go’aanka ay qaateen qaar kamid ah beelaha daga gobolka Bakool.

Sidoo kale wasiir Odowaa, wuxuu tilmaamay in mar walbaa ay dhacdo in beelaha qaar aysan ku qancin maamulada loo dhiso, laakiin wax wanaagsan aysan aheyn in degmooyin maamul loo sameeyo.
Maamulka Koofur galbeed ayaa horey u shaaciyay in marnaba  aysan aqbaleynin in deegaano hoostaga maamulkoosa laga dhiso maamul kale, waxayse arinta u muuqataa dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Puntland oo isxulufeysi siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Jubbaland ayaa taageertay dhismaha maamulka Bakool sare ee gobolka Bakool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada