Puntland oo qabyaalad ku taageertay maamulka kasoo horjeeda K/galbeed

Puntland oo qabyaalad ku taageertay maamulka kasoo horjeeda K/galbeed

daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa qaab qabyaaladeed ku taageeray maamulka looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee la magac baxay Bakool Sare, kaasoo ka kooban seddaxda degmo ee Ceelbarde, Yeet iyo Aato.

Shirka gollaha wasiirada Puntland, isla markaana shir guddoominayay Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhoweyneyso maamulkaasi looga dhawaaqay Ceelbarde, waxaana lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay shirka golaha xukuumadda Puntland in maamulka Koonfur Galbeed ay xaqii ay lahaayeen duudsiiyeen seddaxdaasi degmo, aayahoodiina ka tashaday.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in shacabka halkaas deggan ay aayahooda ka tashadeen kadib markii codkooda la maqli waayey sida uu yiri, qaddarina ka waayeen maamulka ay ka falaagoobeen.

Shalay ayey aheyd markii degmada Ceel-barde looga dhawaaqay maamul ka kooban seddax degmo, kaasoo la magac baxay Bakool Sare.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde uu yahay mid sharci darro ah iyo wax lala yaabo in degmo ay madaxweyne yeelato.

Wuxuu ka digay in siyaasiyiin qas abuur ah ay degaanadaasi khalkhal ka wadeen, isagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu mas’uul uga yahay gudoomiyaha degmada Ceel Barde.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada