Ra’iisul wasaaraha India oo booqasho taariikhi ah ku tagay Pakistan

Ra’iisul wasaaraha India oo booqasho taariikhi ah ku tagay Pakistan

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha India, Narendra Modi ayaa booqasho aan horey loo shaacin maanta ku tagay dalka Pakistan, taasi oo ah booqoashadii ugu horreysay ee uu halkaas ku tago ra’iisul wasaare Hindi ah in ka badan 10 sano.

Modi ayaa ra’iisul wasaraaha Pakistan Nawaz Shariif kula kulmaya magaalada Lahore, maanta goor dambe.

Labada hoggaamniye ayaa xiriir heer sare ah oo labada dal ay yeeshaan billaabay kadib markii ay si kooban ugu wada hadleen shirkii cimilada adduunka ee magaalada Pakistan.

Xiriirka labadan dal ee ku hubeysan hubka nukliyeerka ayaa ahaa mid liita tan iyo markii ay Pakistan ka go’day India 1947-kii, markaasi oo labada dalba ay xorriyad ka qaateen Britain.
Labada dal ayaa wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhex maray saddex, oo laba ka mid ah ay ku saabsanaayeen gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, oo qeybna ay maamusho Pakistan, qeybna India, balse labaduba ay sheegtaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada