R/wasaaraha iyo madaxda Galmudug, Puntland iyo Jubba oo Muqdisho imaanaya maanta

R/wasaaraha iyo madaxda Galmudug, Puntland iyo Jubba oo Muqdisho imaanaya maanta

daajis.com:-   Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta ku soo wajahan magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya. iyadoo ujeedada socdaalkooduna uu la xiriiro ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka ay noqoneyso doorasho ka dhacda dalka sanadka 2016-ka.

Shirkan oo daba socda shirarkii hore ugu dhacay gobolada dalka ee fikrad soo aruurinta qaabka doorasho ayaa lagu soo bandhigi doonaa fikrad uruurintii laga sameeyay gobolada dalka.

Fikarad aruurintii laga sameeyay gobolada Soomaaliya ayaa natiijadii kasoo baxday ay ku kala qeybsameen maamulada dalka ka jira, iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen in ay ku haboon tahay in lagu saleeyo hannaanka goboleysi, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo jeediyeen in lagu saleeyo nidaamka 4.5 waxaana labadooda ka duwan wafuud ka socoday gobolada Waqooyi oo soo jeediyay in doorashada lagu saleeyo qaabkii 60-kii ee awood qeybsiga.

Shirkan ayaa beri ka furmi doona magaalada Muqdisho, iyadoo amaanka caasimada aad loo adkeeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada