Sarkaal ajnabi katirsan Al-shabaab oo galay gacanta Dowlada

Sarkaal ajnabi katirsan Al-shabaab oo galay gacanta Dowlada

daajis.com:- Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, ciidamada Dowladda ayaa waxaa isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday.

Sarkaalkaan ayaa dhalasho ahaan sheegtay inuu ka soo jeedo dalka Mareykanka, Shabaabna uu naftiisa kala soo baxsaday, kadib markii ay isku qabteen Fekerka.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Maxamed Barre (Jeex) oo la hadlay Idaacada Shabeelle ee Muqdisho waxa uu tilmaamay ciidamada Dowladda inay ugu tageen Xeebta Degmada Baraawe oo ay ka soo kaxeeyeen.

Waxa uu intaasi hadalkiisa ku daray inay wadaan baaritaan ku aadan Sarkaalkaan, inkastoo magaciisa uusan sheegin Sarkaalka.

Majirto ilo ka madaxbanaan Maamulka Degmada Baraawe oo xaqiijinaya in Sarkaalkaasi Ajnabiga ah uu isku soo dhiibay ciidamada Dowladda ee Degmada Baraawe ku sugan.

Shabaab muddooyinkii u dambeeyay dhex-dooda waxaa ka jiray Khilaaf ku aadan Saraakiil Ururka ka tirsan oo ku dhawaaqeysay inay Daacish ku biireen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada