Sarkaal Mareykan baxsad ka ah Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowladda

Sarkaal Mareykan baxsad ka ah Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowladda

daajis.com:- Sarkaal ajnabi ah oo kasoo goostay ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu isku dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baraawe, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Baraawe ee maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Maxamed Barre (Jeex).

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sarkaalkaan uu sheegay kasoo baxsaday ururka Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa kaasoo laga qabtay xeebta degmada Baraawe.

ISIS_SOMALIAXuseen Maxamed Barre wuxuu sheegay in ay wareysteen sarkaalkaan, isla markaana dhalashadiisa uu ku sheegay Ameericaan, shabaabna uu kala soo cararay naftiisa, isla markaana ay socoto baaris ku aadan xog dhab ah oo sarkaalkaan ku saabsan.

Sababta ka dambeysay in uu ka soo goosto Shabaabka ayuu Guddoomiyaha Degmada Baraawe ku sheegay inay tahay, kadib markii ay isku qabteen fekerkii qaldanaa ee ay kolkii hore ku heshiiyeen sida Guddoomiyaha hadalka uu u dhigay.

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxaa Al-shabaab dhexdeeda ka taagnaa khilaaf baahsan oo ku saabsan ku biirista kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ee ISIS oo ka talisa goobo ka tirsan dalalka Siiriya iyo Ciraaq, waxayna Al-Shabaab qaarijiyeen saraakiil Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo ku dhawaaqay in ay ku biireen ISIS.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada