Sawiro: Wafdi uu hogaaminaayo Odowaa oo gaaray Jowhar

Sawiro: Wafdi uu hogaaminaayo Odowaa oo gaaray Jowhar

daajis.com:- Waxaa goordhow magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Shabeelaha Dhexe gaaray, wafdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Sh.dhexe, Cali Guudlaawe Xusee.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadada isku xirta Jowhar illaa garoonka diyaaradaha oo dhinaca galbeed ku yaala.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhalinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Munaasabad lagu soo dhoweynayo Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa iminka ka socota Guriga Gobolka, halkaasoo lagu wado inay kula hadlaan, odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada