daajis.com:- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay iney muhiim tahay in dadka ku mashquulsan lahaanshaha iyo dhisida dhulalka Dowlada faraha kala baxaan intaan gacanta lagu dhigin oo sharciga la horkeenin.
Wuxuu sheegay Dr Axmed Cali Daahir iney jiraan dad warqaado been abuur ah u sameysanaya dhulalka Danta guud,islamarkaana qarash badan ku bixinaya sidii ay ku dhisan lahaayeen,isagoo digniin u diray dadkaasi oo ku aadan iney joojiyaan.
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa xusay in wixii mar muwaadin sharcidaro gacantiisa ku galay mar uu laga bixinayo,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in dhulalka iyo Hantida kale Qaranka ee la boobayo la joojiyo si howsha Qaranka u noqoto mid hagaag ku socota.
Waxaa jira dhulal badan oo Dowlada ay leedahay oo dad ganacsato ah ay ku isticmaalayaan si sharcidaro ah,kuwaasi oo Dowlada Federaalka Soomaaliya horay digniin uga soo saartay.
Dowlada Soomaaliya ayaa hada dadaal ugu jirta sidii gacanteeda ugu soo celin lahayd Dhulalka danta guud ee hada danta gaarka ah loo adeegsanayo si loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at