daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha February ee sannadka 2016-ka.
Shirkan halka maalin socday ayaa sidoo kale lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu dhacay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya ee (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at