Sirdoonka:- Mareykanka oo ka digay weerar Xoogan Oo Al-Shabaab ay ka geysato NAIROBI

Sirdoonka:- Mareykanka oo ka digay weerar Xoogan Oo Al-Shabaab ay ka geysato NAIROBI

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa digniin ka soo saartay weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi, inta lagu guda jiro shirka looga hadlayo Ganacsiga Adduunka ee maanta furmaya.

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa looga digay Wafuuda Mareykanka ee ka qeyb galeysa shirkaas, sidoo kale waxaa la faray dadka Mareykanka ee ku sugan Kenya inay feejignaan sameeyaan.

Warbixinta waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ay fursad u tahay inay beegsadaan mas’uuliyiinta shirkaas ka qeyb galeysa “Goobaha dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer wasiir ee ururka ganacsiga dunida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan”ayaa lagu yiri qoraalka waaxda arimaha dibada Mareykanka.

Sidoo kale digniintan ayaa la sheegay inay soconeyso ilaa 22 December, sidoo kale waxaa qeyb ka ah weeraro suura gal ah in Al-Shabaab ka geysato Hotelada ku yaal Nairobi iyo goobaha Ganacsiga ee Kenya.

Mareykanka ayaa ka digay in weeraro la mid ah kii Westgate Mall in Al-Shabaab ka geysato magaalada Nairobi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada