daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay markii ugu horeysay sarkaal sirdoonka Itoobiya ka tirsan oo lagu dilay magaalada Hargeysa xili uu u joogay howlo shaqo, waxaana arintaani loo xirxiray tiro dad ah.
Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Maxamed Muuse ayaa sheegay in uu jiro dilkaasi loo geystay sarkaalka Itoobiyaanka ah, isla markaana baaritaano kala duwan lagu hayo.
Wasiir ku xigeenka oo saxaafadda kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in koonfurta magaalada Hargeysa uu ka dhacay dilkaasi xili magaalada ay ku sugan yihiin wafdi wasiiro Itoobiyaan ah, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay gacanta ku hayaan hay’addaha amniga, ayna jiraan cadeymo muujinaayo cida ka danbeysa dilkaasi iyo tuhun intaba.
Wasiirka oo wax laga waydiiyey in magaaladda Hargeysa kooxo kale oo aan asal ahaan ka soo jeedin Somaliland inay falal dilal ah ka gaysan karaan ayuu sheegay inay dhici karto, isla markaana wuxuu ku dooday inay ka dhacdo wadamada kale ee adduunka, waxaana mar kale la waydiiyey in ONLF ay wax ka gaysan karaan Hargeysa gudaheeda, wuxuuna ku jawaabay?.
“ONLF, Al-Shabaab iyo inkaar oo dhami way ka gaysan karaan, oo ninka dambiga samaynayaa dal kasta ayuu ka gaysan karaa, Addis Ababa ayuu ku gaysan karaa, New York ayuu ka gaysan karaa Hargeysana wuu ka gaysan karaa” ayuu ku dooday wasiir kuxigeenka.
Xiliga uu dilkaan dhacayay ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku sugnaa wasiiro ka socday Itoobiya iyo maamulka kililka shanaad ee Itoobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:38 and have
, Published at