Soomaali 6 sano ku xirnaa Canada oo lasii daayay

Soomaali 6 sano ku xirnaa Canada oo lasii daayay

daajis.com:- Abdirahman Warsame oo 52 jir ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla magaalladda Lindsy ee Gobalka Ontariyo ee dalka Kanada, kadib, markii uu muddo 6 sanno dhex yururay Xukun La’aan.

Ninkaasi ayaa waxa uu horey u door-biday inuu Xabsiga ku sii nagaado, kadib, markii uu diiday in loo soo masaafuriyo Somalia, isagoo sheegay inay noloshiisa khatar geli karto.

Abdirahman Warsame ayaa farxad dareemay, kadib, markii loo sheegay in laga noqday go’aankii lagu masaafurin lahaa, uuna ku sii noolaan karo Kanada.

“Aad baad u mahadsan tihiin, Xabsigu aad buu u dheeraa” ayuu yiri, isagoo ku labisnaa dharka Maxaabiista, wuxuuna Xabsiga ku jiray tan iyo bishii May 16-dii ee sannadkii 2010-kii, taasi oo u dhiganta muddo 67 bilood ah.

Garyaqaankiisa oo lagu magacaabo Subodh Baharati ayaa soo dhaweeyey Go’aanka lagu sii daayey, iyadoo ay Maxkamadda Sare ee Kanada soo faragelisay arrintaasi.

Abdirahman Warsame oo ka soo jeeda Goballadda W/galbeed Somalia ee Somaliland waxa uu dalka Kanada qaxooti ahaan isaga dhiibay sannadkii 1990-kii, wuxuuna sheegay inay Aabihiisa dileen Ciiddankii Dowladdii Siyaad Barre, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay inuusan ku laaban karin Somalia, oo uu tilmaamay in lagu dilay hooyadiisa, walaashiisa, isagana uu dhowr sanno ku jiray Xabsiga Godka Jillicow xilligii Dowladdii Kacaanka.

Abdirahman Warsame inta uu joogay Kanada ma helin Dhalashadda Dalkaasi, waxayna Hay’addaha Ammaanka sheegaan inuu yahay Nin aad u isticmaala Balwadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada