daajis.com:- Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxay ku dhawaaqday inay sameysay isbahaysi cusub oo la dagaalami doona Urur diimeedka Daacish ama Isis oo ka hawlgala Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
War Saxaafadeed uu aqriyay wasiirka difaaca ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in isbahaysigan uu ka kooban yahay 34 dal oo dunida Islaamka ah diyaarna u ah inay la dagaalamaan Ururka Daacish.
War Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu cadeeyay in dalalkaasi ay qaateen go’aan isku mid ah, mowqifkooduna uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagaxisada oo ay ugu horeyso Daacish.
Isbahaysigan ayaa waxay xaruntiisu noqon doontaa Caasimadda Sacuudiga (Riyadh), halkaasoo laga qaadi doono hawlgalada lagula dagaalamaayo ururada argagaxisada.
Dalalka Sacuudiga, Masar, Turkiga, Malaysia iyo Indonesia, ayaa laf-dhabar u noqon doono la dagaalanka argagaxisada, waxaana taageeray wadamo ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Djibouti iyo Nigeria
War Saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in la soo dhawayn doono dalalka kale ee caalamka, isla-markaana taageera wadamada Islaamka, si halmeel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at