Syria: Ruushka oo duqeyn ku dilay hogaamiyihii Jaysh Al-islam

Syria: Ruushka oo duqeyn ku dilay hogaamiyihii Jaysh Al-islam

daajis.com:- Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeya jabhadaha mucaaradka ah ee ka dagaallamaya Suuriya ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda.

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya.

Alloush ayaa noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya.

Xukuumadda Moscow ayaa ku tilmaamtay jabhadda Jaysh al-Islam mid argagixisa ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada