Taliyaha Ciidanka Kenya oo Booqday Jiida Hore ee Dagaalka Kismaayo (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Kenya oo Booqday Jiida Hore ee Dagaalka Kismaayo (VIDEO)

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Militeriga ee dalka Kenya General Samson Mwathethe, ayaa wuxuu booqasho kedis ahayd uu ku tagey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha oo ka soo amba baxay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu maalin kahor uu gaaray Magaalada Kismaayo, wuxuuna la kulmay Masuuliyiinta Maamulka Kmg ah ee Jubba, isagoo kala hadalay halka uu marayo xaaladda amni ee magaalada Kismaayo.


Taliyaha waxa kale oo uu booqday fariisamaha Ciidamadooda ay ku lee yihiin labada cirif ee Magaalada Kismaayo, iyadoo uu u jeediyay dhiira gelin ku aadan, hawsha ay Soomaaliya u jooggaan.



General Samson Mwathethe ayaa dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalkaasi Kenya, isagoo booqashadani uga gon lahaa inuu ciidamada Kenya ee furinta hore ka dagaalamaya inuu dhiiri galiyo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada