daajis.com:- Sagaal musharax oo doonaya inay noqdaan qofka xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada madaxweynaha Mareykanka ee 2016-ka ayaa dood kulul oo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka qaranka ay xalay dhex martay.
Doodda ayaa diiradda lagu saaray baaqii Donald Trump ee ahaa in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan dalka Mareykanka.
Trump oo difaacaya baaqiisa ayaa yiri “Kama hadleyno diin ee waxaan ka hadleynaa ammaan”.
“Dadka waa ay jecel yihiin waxa aan oranayo, dadku waa ay xushmeeyaan waxa aan sheegayo, waxaana furnay dood ballaaran oo loo baahnaa in la furo” ayuu yiri Trump.
Inta badan musharaxiinta ayaa diidanaa inay si toos ah uga hortagaan Trump, marka ay timaado arrintan.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Florida ayaa weeraray Trump oo ku yiri “Marnaba ma noqon doontid madaxweynaha Mareykanka adiga oo aflagaado ku raadinaya madaxweyne-nimada”.
Hase yeeshee Trump oo u jawaabay ayaa yiri “Aan aragno, waxaan haystaa taageero 42% ah, adigana waxaad haysataa 3%”. Waxa uu tixraacayey codadka ra’iyi uruurnita ee uu hoggaaminayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at