VIDEO:- Hotel jazeera oo amaankiisa qaab casri ah loo sugay iyo kaamirooyinka

VIDEO:- Hotel jazeera oo amaankiisa qaab casri ah loo sugay iyo kaamirooyinka

daajis.com:- Hotelka Jazeera ee ku yaal wadada inta u dhaxeysa isgoyska Km4 iyo garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ayaa amaankiisa si ka duwan sidii hore loo sugay, iyadoo kaamirooyinka casriga ah lagala socda gudaha iyo bannaanka hotelka wixii dhaq dhaqaaq ah ee ka socda.

Dib u dhiska iyo dayactir lagu sameeyay hotelka ayaa dhawaan lasoo gabagabeey kadib markii la qarxiyay dhamaadkii bishii June, taasoo keentay in wadada hor marta ee xigta hotelka gebi ahaanba lagu gooyay dhismo shub ah si looga hortago weeraro kale oo lala beegsado hotelka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhibaatada lagu qabo wada xirista iyo sida ay gaadiidka isticmaala wadadaasi ugu dhiban yihiin xiliyada mashquulka uu jiro.

Hotelka ayaa waxaa degan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ajaaniibta ku sugan Muqdisho, kuwaasoo u jooga arrimo kala duwan.
Halkaan ka Daawo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada