daajis.com:- Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goordhaweyd inay shaqadii ka ceyriyeen tababare Jose Mourinho ka dib markii ay Blues xili ciyaareedkan ay ku habsatay musiibo qaab ciyaareed liita ah.
Waxaana arinta uga sii dartay guuladaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Leicester City. Chelsea ayaa kaalinta 16 aad ka jirta kala saraynta Premier League-ga, iyagoo hal dhibic kaliya ka sareeya kooxda ku jirta booska looga haro horyaalka ee kaalinta 18aad.
Kooxda Blues ayaana haatan ku dhawaaqday inay shaqada ka ceyriyeen tababare Jose Mourinho, waana markii labaad ee shaqada Blues laga ceyriyo tababaraha reer Portugal oo kooxda ku soo laabtay sannadii 2013 markii uu ka soo tagay Real Madrid.
Mourinho ayaa ku dooday in ciyaartoydiisa ay khiyaameeyeen kulankii Leicester City oo ay Blues soo gaartay guuldaradii sagaalaad ee xilli ciyaareedka Premier League. Chelsea ayaa cadaysay in ay Mourinho ku kala tageen heshiis laba dhinac ah waxaana qoraalkaas lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Chelsea iyo Jose Mourinho waxay maanta ku kala tageen heshiis laba dhinaca ah, waxay Chelsea oo idili Mourinho uga mahad celinaysaa waxtarkiisii waynaa tan iyo markii uu kooxda dib ugu soo laabtay xagaagii 2013”.
“Saddexd koob ee horyaalka Ingiriiska, koobkii FA-ga, koobkii Community Shield-ka iyo saddex koob oo Leaque Cup/Capital One Cupka ah oo uu Mourinho laba waqti ku soo guulaystay ayaa isaga k adhigtay tababarihii guulaystaha ahaa ee 110 kii sanadood ee taariikhda kooxda, laakiin Jose Mourinho iuo boodhka kooxduba waxay lababaduba ku heshiiyeen in ayna natiijadu ahayn mid fiican xili ciyaareedkan, waxayna aamineen in labada dhinacba ay dantu gu jirto in ay kala tagaan”. ayaa qoraalka Blues la sii raaciyay.
Qoraalka ay Chelsea ka soo saartay shaqo ka caydhinta Mourinho ayaa sii socotay waxaana lagu yidhi: “Kooxdu waxay doonaysaa in ay kala cadayso in Jose uu anaga nagaga baxay si fiican, wuxuuna markasta ayaan doonaa mid la jecel yahay, la ixtiraamo oo xubin muhiim ah ka ah kooxda Chelsea.Sharaftiisa Stamford Bridge iyo England waa mid waqti dheer la damaanad qaaday, waxaana markasta si damaanad qaadleh dib loogu soo dhawayn doonaa Stmaford Bridge. Waxay hadda kooxdu diirada saaraysaa in ay hubiso in kooxdayada hibada lihi ay gaadho awoodeeda”.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:09 and have
, Published at