Warbixin: Ciidanka deegaanka Godaalo oo dagaal ku qaaday Diyaarad Oo qabsaday goob Macdan laga qoday +Sawirro

Warbixin: Ciidanka deegaanka Godaalo oo dagaal ku qaaday Diyaarad Oo qabsaday goob Macdan laga qoday +Sawirro

daajis.com:- Wararka saaka ka imaanaya deegaanka Go’adaale ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in ciidan beeleed hubaysan ay rasaas la beegsadeen diyaarad doonaysay inay ku degto deegaankaasi oo qayb ka ah heshiisyada macdan baadhista ah ee u dhaxeeya hay’adda DNO iyo maamulka Somaliland.

Sida ay dadka deegaanku ii xaqiijiyeen waxaa ciidan beeleedkaasi oo maalmihii u dambeeyay lagu diyaarinayay deegaanka ay adeegsadeen hubka waaweyn, kadib markii diyaarad ay soo caga dhigatay deegaanka Baqasha kuwo kalena ay weli heehaabayaan hawada sare ee deegaanka Go’daalo, Diyaaradaasi ayaa daqiiqado kadib hawada dib u gashay.

Ciidamadani ayaa ku guulaysteen inay deegaankooda ka kacdo diyaaradaasi kuwo kalena ay san soo degin.

Waxaa halkaasi loogu tegay qalab ay adeegsanayeen dadkii diyaaradahaasi saarnaa kuwaas oo isugu jira majarafado, Sabarado, Mandaraqyo iyo agab kale oo u fududaynayay inay qodaan meelaha ay macdanta ka baadhanayaan.

Waa markii labaaad ee todobaadkan gudihiisa ay dadka deegaanka Go’adaale iska caabiyaan duulimaadyada ay iyaaradahaasi ka wadaan deegaanada Nugaaleed ee gobolka Sool.

Dhowaan ayaa Isimada dhaqanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ku baaqeen inay talaabo adag laga qaado Diyaaradaha iyo Kooxda Boob doonka ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada