daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta ku dhawaaqay inay si rasmi u dhaqan gashay heshiiskii xabad joojinta, lana kala qaaday ciidamadii isku hor fadhiyay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Odawaa oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xaalada magaalada Gaalkacyo ay aad u degan tahay, isla markaana dadkii ka barakacay magaalada ay maanta bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan magaalada.
“Xaalada Magaalada aad bey u degan tahay, shalay ilaa doraad shaqooyin aad u waa weyn la qabtay, markii heshiiska la saxiixay xoogaa dhibaatooyin dhaceen, balse waxaa lagu guuleystay in wax walba la xaliyo, labada dhinacna ay heshiiska nabadeed adkeeyaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isaga iyo
Wasiirka Cadaaladda ay kormeereen goobihii lagu dagaalamay, ayna xaaladooda aheyd mid degan, isagoo xusay in ilaa shalay laga shaqeynayay kala qaadista Ciidamada.
“Guddi Saraakiil oo isku dhaf ah ayaa la sameeyay, ilaa shalay waxaa laga shaqeynayay in la kala qaado ciidamada, waana lagu guuleystay, xabad joojintii waa dhaqan gashay, kala qaadistii ciidamadana waa dhaqan gashay, maanta ayaana la soo dhameeyay howshaas”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada la kala qaaday ay dib ugu laabteen xerooyinkooda, kuwii soo gurmadayna ay dib ugu laabteen magaalooyinkii ay ka yimaadeen.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay nabadgelyada ka shaqeeyaan, isla markaana dhacdooyin yar yar ay dhici karaan, balse loo baahan yahay in wax walba nabada ka wanaagsan tahay sida uu yiri.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay iyo madaxda Maamul goboleedyada ay muddo 10-maalmood ku sugan yihiin Gaalkacyo, isla markaana ku guuleysteen in xal laga gaaro colaada Gaalkacyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at