daajis.com:- Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa waxaa Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi, Magdy Abdel Ghaafar uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka amniga ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyagoo labada wasiir ka wada hadlay arimaha la dagaalanka argagaxisada sidani waxaa qoray wargayska Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.
Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya C/rasaaq Cumar Maxamed, ayaa dhiggiisa dalka Masar u muujiyay sida laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.
Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad xagjir ah oo aaminsan afkaarta argagaxisnimada kuwaasoo dhibaatooyin xooggan ku haya shacabka labada dal.
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo ka mid ah wafdiga wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada ciidan isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:56 and have
, Published at