daajis.com:- Ilowareedyo katirsan saraakiisha amaanka Lubnaan, ayaa BBC u xaqiijiyay in Hannibal Qadafi uu dib u helay xuriyadiisa, kadib markii ay mudo saacado ah afduub ahaan u haysteen kooxo aan la aqoon.
Hannibal Qadaafi, ayaa la sheegay in lagu afduubtay magaalada “Baclabak”, waxaana markii lasoo daayay loo gudbiyay caasimada dalkaas ee “Bayruut”.
Mid kamid ahTV-yada Lubnaan ayaa soo daayay muuqaalka Hannibal oo wajigiisa ay ka muuqdaan dhaawacyo loo geystay iyo garaacis xoogan, Balse Hannibal oo arintaan ka hadlay ayaa ku gaabsaday inuu caafimaadkiisa aad u wanaagsanyahay si fiicana loola dhaqmay.
Hannibal Qadaafi, ayaa sanadkii 2012 ilaa iyo hada asiga iyo Hooyadiis iyo Gabar la dhalatay waxay ku noolaayeen saldanada Camaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:45 and have
, Published at