Xaalada Degmada Qoryooleey Oo Degan Saakay Kagadaal Dagaalkii Xalay Halkaas Ka Dhacay,

Xaalada Degmada Qoryooleey Oo Degan Saakay Kagadaal Dagaalkii Xalay Halkaas Ka Dhacay,

daajis.com:-  Waxaa Saakay degan xaalada guud ee Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowlada, AMISOM iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ahaa.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyaadka Al-shabaab waxa ayna kula wareegen gabi ahaan Xarunta Degmada iyo Xafiisyada maamulka, iyaga oo sidoo kale gobay qaar kamid ah Xarunta maamulka iyo tirro gaari oo ay lahaayen ciidamada Dowlada.

Dagaalka oo xalay socday ku dhawaad Shan saac oo xiriir ah, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 kamid ah ciidamada Dowlada, dhanka Al-shabaabna waxaa dagaalkaasi looga dilay 9 dagaalyahaano.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu waxyeeleeyay ciidamo ka tirsanaa kuwa AMISOM oo xiligaasi gurmad u ahaa kuwa Dowlada.

Al-shabaab ayaa aroortii hore ee Saakay si buuxda uga baxay Xarunta Degmada iyo deegaano hoostaga Degmada Qoryooley oo xalay dhan ay heysteen.

Xarunta Degmada ayaa waxaa saakay laga daad-gureynayaa meydadka ciidamadii lagu dilay dagaalka ay Al-shabaab xalay ku qabsatay Degmada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xuseen Maxamed (Shiine), ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 9 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Waxa uu xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen ciidamo ka tirsanaa Dowlada balse waxaa uu ka gaabsaday khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa laba qof oo shacab ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada