daajis.com:- Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay maamul beeleedka Bakool sare ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Maamulka laga dhisay Ceelbarde uu yahay maamul lagu doonayo in colaad lagu abuuro sidoo kale qal qal lagu galiyo degenaanshaha Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Afaraale ayaa xusay in dhismaha Maamulka Bakool sare ay ka dambeeyeen qarash badana ku bixyeen Maamulada Jubbaland iyo Puntiland, waxa uuna intaa raaciyay in wax laga xumaado ay tahay in Puntiland tiraahdo waan taageersanahay mamaulkaasi.
'' Waa ayaan daro in maanta dadka laga dhax abuuro qalalaase lagana shaqeeyo colaad sukeeye, Xildhibaanada tagay Ceelbarde waa kuwa fitno abuur halkaasi u tagay, waxaa la ogyahay in Xildhibaanada tagay halkasai kasoo jeedaan Jubbaland iyo Puntiland ayna lacag ka helayeen maamuladaasi si ay qas u abuuraan'' Ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale, ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya in tilaabo dhinaca sharciga ah ka qaado Xildhibaanadii dhawaan tagay Gobolka Bakool ee halkaasi uga dhawaqaay maamulka Sharci darada ah.
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili dhawaan Magaalada Ceelbarde lagu dhisay maamul loogu magac daray Bakool sare oo loo dhisay Degmada Ceelbarde iyo deegaano kale oo katirsan Gobolka Bakool.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at