daajis.com:- Saxaafa Madaxa Banaan ayaa xog hoose ku heshay in Barre Hiiraale lagu dhex arkay liiska cusub ee golaha wasiirada Jubbaland dhawaan lagu soo magacaabi doono.
Wararku waxay sheegayaan in Barre uu ka mid yahay xubnaha lasoo wado, inkastoo durba arrinkaasi dood aad u xooggani ay ka timid, sida wararka aynu ku helayno.
Hiiraale ayaa la doonayaa in loo magacaabo Wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyaadka iyo tababarada, balse waxaa la tilmaamay in durbaba arrinkaais uu diiday.
Hiiraale ayaa sheegay in isaga aan loo magacaabi karin xil uusan ka war hayn, waxaana taasi ay keentay in dib loo dhigo magacaabista wasiirada Jubbaland.
Waxaa laga yaabaa in liiska laga saaro maadaama Hiiraale uu ka biyo diiday arrinkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:26 and have
, Published at