daajis.com:- Waxaa siyaasad cakiran ay iminka ka dhex curatay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan ayaa ku kala tagay colaadaha ka dhextaagnaa maamulada Galmudug iyo Puntland, kadib markii Shariif Xassan uu Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu sii ololinaayo Colaada labada maamul.
Shariif Xassan ayaa la soo warinayaa in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Arriimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa uu ku wargaliyay in Axmed Madoobe uu carqalad ku yahay in laga gudbo colaada labada maamul, waxa ayna taasi sababtay in Shariif Xassan uu caro uga duulo magaalada Gaalkacyo isaga oo dib ugu laabtay Baydhabo.
Madaxweyne Shariif Xassan ayaa Gaalkacyo ka duulay saacado ka hor xiligii uu burburay heshiiskii ay wada galeen Galmudug iyo Puntland, sababo la xiriiray arragti fog oo uu ka qaatay xalin la’aantii maalmahaani ka taagneyd Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Shariif Xassan uu wacad ku maray inuusan ka qeybgali doonin gogol uu goobjoog ka yahay Axmed Madoobe waa haddii aan wax laga bedelin Colaadaha uu mar waliba u taagan yahay Axmed Madoobe.
Shariif Xassan ayaa maalmahaani banaan joog ka ahaa shirarkii ka socday Gaalkacyo, waxa uuna shirkaasi uga baxay Axmed Madoobe Aawagii, sida aan xogta ku heleyno.
Dhank kale, Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe ayaa siyaasad ahaan isku khilaafsan Siyaasada dalka, waxa uuna Khilaafkooda ka dhashay deegaano labada maamul mideeya oo muran dhaliyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at