daajis.com:- Booliska Kenya ayaa ka digay qatarta weeraro islaamiyiinta Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi,kuwaasi oo la sheegay in labo garab u kala jabeen,waxaana la tilmaamay iney kala taabacsan yihiin Al-Qaa’ida iyo Kooxda Daacish.
“ Wey kala baxeen,natiijada kala bixitaankoodana waxay abuureysaa tartan ku aadan kooxba aragtida ay aaminsan tahay iney kor u qaato,’’sidaasi waxaa yiri Sarkaal Booliska Kenya ka tirsan Joseph Boinnet.
Shacabka iyo Dowlada Kenya ayaa isku diyaarinaya dabaal dega Ciida Christmas bilow-ga sanadkaan,waxaana guud ahaan si weyn loo adkeeyay amaanka oo Booliska heegan buuxa la geliyay.
“ Waxay qorsheynayaan iney hormariyaan weeraradooda,’’ ayuu yiri Boinnet,isagoo bixib wax daah daahino intaasi dheer.
Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaa’ida in mud ahna ka dagaalameysa Bariga Africa ayaa fadhigooda wuxuu yahay Soomaaliya,waxayna muhiimadooda tahay iney xukunka ka tuuraan Dowlada taageerada ka heleysa beesha caalamka ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.
Waxaana difaacaya 22-kun oo askari oo ka socda qaar ka mid ah wadamada Midowga Africa oo Dowlada Kenya qeyb ay ka tahay.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarada Kenya ay jawaab u yihiin Ciidanka kaga sugan Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal adag kula jira.
War Kenya ka soo baxay khamiista,ayaa lagu sheegay kooxo taabacsan ururka Daacish ay ka howlgalaan deegaanada Waqooyi bari dalka Kenya sida degmada Mandera,halka dagaalyahano xiriir la leh Al-shabaab ay ka Howlgalaan dhulka Keymaha ee Boni.
Ugu danbeyntii,Shacabka Kenya ayaa loogu baaqay iney feejignaadaan,islamarkaana iska dhiga tirIn digniinta loo jeedinayo ee dhinaca amaanka,maadama Al-shabaab wali Qatar ku tahay amaanka Kenya,sida lagu yiri warka Dowlada Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at