Xoogag taabacsan Daacish oo fariisimo ka samaystay duleedka Ceel-waaq

Xoogag taabacsan Daacish oo fariisimo ka samaystay duleedka Ceel-waaq

daajis.com:- Wararka saaka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in deegaano Gobolkaasi hoostaga ay soo dhoobteen Dagaalyahaano ka tirsan Daacishta Somalia oo ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan

Dagaalyahaanadaani ayaa xoogooda isugu geeyay duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay ka hirgaliyeen fariisimo dhowr ah, waxa ayna kala jareen deegaano halkaasi ku yaalla.

Maleeshiyaadkaani Daacishta Somalia ah ayaa kasoo ruqaansaday dhulka miyiga ee Gobolka Gedo, halkaasoo loo maleynaayo in ay isku soo abaabuleen, waxaana ujeedkooda lagu sheegay in si KMG ah ay usii degnaan doonaan halkaasi.

Dhaqdhaqaaqa xoogagaani hubeysan ayaa feejignaan iyo cabsi galisay Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa deegaano aan halkaasi kasii fogeyn.

Dadka ku nool deegaanka Ceelwaaq, ayaa durbadiiba bilaabay cabsi kaga imaaneysa dhanka maleeshiyaadkaasi, waxa ayna bilaaben barakac

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada