daajis.com:-Waxa
jira xili ay fiican tahay in raga iyo haweenkuba ay dhalaan caruur.
Sida marka ay awoodi karaan in ay ilmoha la ciyaaraan, u kici karaan
habeenkii marka uu ilmohu soo tooso ama la soo jeedi kara ilmo aan
seexan karin xanuun dartiis. Waxa jira xili uu jirku diyaar u yahay in
uu ilmo dhalo sida haweenka. Waxa hoos u dhaca awooda jirka ee ilmo
dhalida marka ay dumarku kor u dhaafaan 30 sano.
Laakiin
waxa baariitaan lagu ogaaday marka ay hoos u dhacdo awooda jirka ee ay
haweenku leeyihiin in ay caruur dhalaan in dareenkood galmada aad u
bato. Xiligan oo da’da haweenku gaartay 30 sano ayaa waxa ay haweenku
noqonayaan kuwa aad ugu fir-fricoon cayaarta sariirta. Markaa hadii aad
isku aragtid dareen badan wax kale maaha ee waa adiga oo jirkaagu galay
waqti cusub.
Natiijada cilmi
baaristan in dumarka dareenkoodu aad u kordhayo marka da’doodu gaarto 30
ayaa waxa soo saartay jaamacad ku taala Texas ee wadanka Maraykanka.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at